أَلَمْ نَشْرَحْ لَكَ صَدْرَكَ
Miyannaan kuu waasicinin Laabta (ku nuurinin).
وَوَضَعْنَا عَنكَ وِزْرَكَ
Oonaan ka dajinin culayskii.
وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ
Miyaannaan kor yeelin magacaaga (xusiddaada).
فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd (faraj).
إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا
Cidhiidhina waxaa ku dhaw fudayd.
فَإِذَا فَرَغْتَ فَانصَبْ
Ee markaad Salaadda dhammayso isku dhib (Samo fal).
وَإِلَىٰ رَبِّكَ فَارْغَب
Eebana (Khayr) ka rajee.